4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
Dhakhtar sarqaan-sanaa oo qalliin ku dilay Haweeney xaamilo ah

 

Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) - Dhakhtar ka hawlgala Cisbitaal ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka dalka Hindiya ayaa la xiray ka dib markii isaga oo khamraysan uu qaliin ku sameeyay haweenay xaamilo ah, sida ay booliisku u sheegeen BBC.

Ilmihii yaraa ayaa isla markiiba dhintay, hooyadiina wax yar ka dib ayay dhimatay.

Booliska ayaa sheegaya in qalabka lagu baaro darooga uu u xaqiijiyay in dhaktarka uu khamri cabay.

Waxay hadda baaritaan ku sameynayaan in haweeneyda ay dayac u dhimatay ama ay eersatay xaalad caafimad oo soo wajahday.

Dr PJ lakhani wuxuu ka mid yahay dhakhaatiirta ugu khibrada badan dalka Hindiya wuxuuna 15 sano ka shaqeynayay cisbitaal ay dowladda maamusho.

Kamini Chachi, ayaa la keenay cisbitaalka galankii dambe ee Isniintii iyadoo foolanaysa.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheetay in qoyska oo ka warsugayay natiijada qaliinka lagu wargeliyay in cunugii uu dhintay, hooyadiina ay aad u dhiig baxayso.

Intaas ka dib ayaa qoyska gabadha waxay go'aan ku gaaren inay geeyan cisbitaal si gaar ah loo leeyahay, balse nasiib daro waxay nafta ka baxday iyadoo cisbitaalka loo sii wado.

.Booliska ayaa uu sheegay BBC-da in Diktoor Lakhani uu iyaga soo wacay oo uu caawin ka codsadayy isagoo ka cabsi qaba in qoyska ay weerar u geystaan marka ay ogaadaan dhimashada.

"Markaan Cisbitaalka gaarnay ayaan ogaanay in uu khamreysnaa sidaas daraadedna xabsiga ayaan u taxaabnay" ayuu yiri HR Goswami oo booliska ka tirsan.

Cisbitaalka ayaa guddi u saaray in baaritaan ay ku sameeyan waxa sababay dhimashadeeda.

Xigasho BBC