4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2018
Cabdiweli Gaas oo dalbaday in lagu taageerro isbedel

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL)-  Madaxweynaha xilka haya ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dalbaday in lagu taageerro isbedel uu ku hoggaamiyo Puntland shanta sanno ee soo soco, kaddib socdaal uu maanta ku gaaray magaalada Dhahar.

Cabdiweli horay uma tagin Dhahar,balse socdaalkiisa uu ku marayo deegaannada ayuu ku muujiyay sida uu u doonayo mar kale inuu hoggaamiyo Puntland.

"Waxaan ka xumahay oo runtii dareemayaa inaan idiinka soo daahay, laakiin waxaan rajeynayaa inay tani furre u tahay shanta sanno ee soo socota, waan idiin nimid". ayuu yiri Gaas.

Waxa uu inta ku daray "Waxaan u baahannahay in isbedel gobolka laga suubiyo dhan walba, gobolku wuxuu difaac iyo xayndaab u yahay Puntland, dhabtii waa difaacii Puntland, waxaan isku warraysan doonaa Haylaan oo horumartay dhanwalba, waxaan u baahannahay taageeradiina, ducaddiinna iyo garab istaagiinna si isbedel u suubsamo aadna horseed ka noqotaan isbedelkaa".

Madaxweynaha Puntland, waxa uu daahfuray mashruuca caafimaadka aasaasiga ah,isagoo u sheegay bulshada deegaanka inuu dhagax-dhigi doono waddo laami ah oo xiriirin doonta deegaannada  Sheerbi iyo Xiingalool, waxa kalo u sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ay deegaanka ka hirgelinayso mashruuc guryo loogu dhisayo dadka barakacayaasha ah gaar ahaanna dadkii abaaraha ka soo barakacay ee deegaannada ku sugan.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in la qabto siddeeda bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka,iyadoo dhammaan gobollada ay ka socdaan ololaha doorashada madaxweynaha,balse madaxweynaha xilka haya ee Cabdiweli Gaas oo ay u qorsooneyd inuu mar kale tartamayo ayaa Talaadadii shalay hadal uu ka jeediyay magaalada Qardho waxa uu si daboolan u sheegay inuu mar kale sharraxanyahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]