4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2018
Jaamacadda Carabta oo qabaneysa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

 

Arbaco, November, 28, 2018 (HOL) –Ururka ay ku mideysan yihiin Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa in dhawaan ay qabteen shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo looga hadlayo taakuleynta Soomaaliya iyo Deyn cafiska.

Wasiiru-dowlaha Wasaarradda arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyre ayaa sheegay in shirkaan la qaban doono Bisha soo socota December, islamarkaana diiradda lagu saari doono Arrimaha Soomaaliya.

‘’Shirkan waa shir muhiim ah oo looga hadli doono arrimo la xiriira taakuleynta Soomaaliya iyo deyn cafiska’’ ayuu yiri Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay dhawaan la wareegi doonto Hoggaanka Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda ,islamarkaana hoggaanka ay heyn doonto Muddo dhan 6 bilood.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in inta uu socd shirka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta sameyn doonaan yabooh ku aadan horumarinta waxbarashadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]