4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2018
Maareeyaha Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo xalay toogasho ku dilay Xaaskiisa

 

Talaado, November, 27, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegay in maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Cali uu habeennimadii xalay toogasho ku dilay Xaaskiisa oo xaamilo aheyd lagu-na magacaabi jiray Jamiila Sheekh Cali Ibraahim.

Arrintan oo la yaab iyo naxdin ku abuurtay dadka magaalada Jowhar oo siweyn u garanayay qoyskan ayaa lagu waramayaa in ka hor dilka uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Laamanahan taasoo keentay ugu danbeyntii in xalay uu toogasho ku dilo xaaskiisa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in murman kaddib bastoolad uu lahaa dhowr xabadood uga dhuftay qeybo kala duwan oo jirkeeda ah.

Ciidamada maamulka Hirshabeele ee magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen mas’uulkan dilay xaaskiisa oo xabsiga la dhigay.

Ma’aha wax ku cusub Soomaaliya falalka noocan oo kale ah oo waayadii ugu danbeeyay u muuqday kuwo sii kordhayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]