4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo diyaarineysa manhajka Fasalka Sideedaad

Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,Feysal Cumar Guuleed ayaa shegay in ay wasaardu soo dhameystireyso manhajka oo hada ku koobaan dugsiyada koobaad ilaa afaraad.

“Manhajka aan ardayda u qeybinay ayaa ahaa fasalka koobaad ilaa afaraad, ilaa fasalkii 12 ayaa hada la wadaa waxaan rajeyneynaa lixda bilood ee ugu horeysa waxan fileynaa in ay soo baxaan ilaa fasalka 8-aad , manhajka wanaagsan  ayuu  u socdaa cid kasta oo aqoon yahan ahna waa uu u furun yahay waa soo dhawyneynaa”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Feysal Cumar Guuleed  ayaa tilmaamay in wasaarada waxbarashada ay  dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahayeen waxbarasho dhameys tiran.

“Ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an tayeynta tacliinta dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahayeen waxbarasho lacag la’aan ah”ayuu yiri Feysal Cumar.

 Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed  ayaa sheegay in cabashadii dhawaan ka timid ardeyda Soomaaliyeed ee loo diray  dalka Itoobiya, la xaliyay islamarkana hadda ay bilaabeen  waxbarashooda.

“ Wasaaradda waxbarashada waxa ay deeq waxbarasho ka heshay dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya oo siisay arday tiradoodu gaareyso 223 arday oo isugu jira bajulaar ah iyo arday mastar ah ardaydii ka faaideysatay baajulaarka iyo kuwii ka faaideystay mastarka labadaba wasaaraddu waxa ay ku dadaashay sidii ardaydaas ay u tagi lahaayen dalka itoobiya dhamaan toodna waa ay tageen waxana loo kala qeybshay jaamacadihii dalka itoobiya waxa ay cabasho ka soo yeertay jaamacaddo ka mida ah jaamacadiihii ardaydu ay ku qornaayeen in waqtigii loogu tala galay ay ka dib dhaceen kadib wada hadal ay wasaaradu la gashay jaamacadihii ardaydu ku qornaayeen iyo dowladda itoobiya waan ku guuleysan in aan xalino ardaydiina waxa ay dib  u bilaabeen waxbarashadooda”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]