4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo gaaray magaalada Ceerigaabo

 


Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigisii ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaaanu xallay u hoyday degmada Ceel afweyn oo uu kula kulmay culimadii loo xil saaray xalinta dagaalo beeloodyadii ka dhici jirey deegaanka Ceel afweyn.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ku lebbisan calanka Somaliland, caleemo qoyanna lulaya oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, ayaa maanta madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay dhinaca bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca beerta xorriyadda, halkaas oo hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq ah looga jeediyey shacabkii soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa.

“Mudane Madaxweyne kusoo dhawow gurigii Aabbeyaasha, awooweyaasha, ayeeyooyinka iyo Hooyooyinka, kusoo dhawow gobolkii khayraadka, faleenka iyo xabbagta, badda iyo buuraha, beeraha iyo xoolaha, macdanta iyo dahabka, waa gobol barayksan oo wixii Afsoomaaliga ku hadla intooda ugu badani ka tafiirmeen.”ayuu yidhi maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa isaguna shacabka ku dhaqan soo dhaweynta ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu bulshada gobolka Sanaag ku boorriyey inay nabad-gelyada iyo wada-jirkooda si gaar ah awoodda u saaraan.

Salaadiin iyo madax-dhaqameed reer Ceerigaabo ah oo uu kamid yahay Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Ceerigaabo uga mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, isaga oo madaxweynaha ku bogaadiyey socdaalkiisa uu ugu kuurgeliyo xaaladda guud dalka iyo deegaannada ka baxsan caasimadda Hargeysa.

Wasiirrada wasaaradaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Cali Gaafaadhi iyo Horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo dhammaantood la hadlay shacabka reer Ceerigaabo, ayaa bulshada ku bogaadiyey sida midnimada iyo isku-duubnida leh ee ay madaxweynaha qaranka usoo dhaweeyeen.

Intaas ka dib waxa shacabka la hadlay madaxweynaha, waxaanu uga mahadceliyey sida weyn ee loo soo dhoweeyey.

“Sanaag waa meeshii laga soo farcamay, waana meel cid waliba deggen tahay, waxana ay noqonaysaa tii Soomaali oo dhan isku xidhaysay, ganacsi ahaan iyo dhaqan ahaanba, maanta farriintaydu waa nabad, waa walaaltinimo, waa horumar, waa wax-wada-qabsi iyo khilaafkeenna oo aynnu si salmi ah u xallino, dadka Ceerigaabo eedaynayana ee wax dheeraad ah baa ka jira lehna waa beentii, gobol walba khilaaf waa ka jira, gobol walbana qabaa’il wuu ku jiraa, wax u dheeraad ah oo Sanaag lagu canaanan karaana ma jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu intaas ku daray “qolada Koonfurta ee Talyaanigu gumaysan jireyna waxan leeyahay annagiina na dhibtee oo maalin walba qas iyo dhibaato ayaad nala ag-joogtaan annaguna nabad iyo wanaag baannu wadnaa.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.