4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Madaxweyne Waare oo soo gaaray magaalada Beledweyne

 

Isniin, November, 26, 2018 (HOL) -Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor goor dhaw oo maanta ah soo gaaray magaalada Beledeyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacyo guddoomiyaha gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaatay mas'uuliyiinta maamulka gobolka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalkiisa ayaa imanaya dhinaca kale xili maalmihii ugu danbeeyayba gobolka uu ka jira khilaaf ka dhashay shaqo joojin guddoomiyaha gobolka uu ku sameeyay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo dhinaca kale xili ay soo baxayaan warar sheegaya in isku -shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiirradda Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]