4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Shirka Dhaqaalaha Badaha oo Nairobi ka furmaya

Isniin, November, 26, 2018 (HOL)-  Shirka dhaqaalaha Badaha ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo ay ku suganyihiin hoggaamiyayaal dhowr ah oo shirka ka qaybgalaya.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galinkii dambe ee Axaddii shalay gaaray Nairobi ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha shirka ka qaybgalaya,iyadoo dowladda Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]