4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2018
Mukhtaar Rooboow oo mar kale guddoomay Shahaatadda Musharaxnimada madaxweynaha Koonfur Galbeed

 

Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed mar kale guddoon-siiyeen Shahaatadda musharax-nimadda.

Maalmiihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya cadaadis ku saareyso guddigga sidii doorashada looga reebi lahaa Mukhtaar Rooboow oo horay qoraal ka soo baxay Wasaarradda Amniga looga mamnuucay in uu ka qeybgalo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta bilaabay  diiwaan-gelinta Musharaxiinta ayaa sheegay inay dib ugu cusbooneysiiyeen  shahaadadii uu horay u qaatay Mukhtaar Roobow.

Doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dib u dhac ku yimid laa 05bisha December ee dhamaadka sanadkan, waana markii saddexaad oo doorashadan dib loo dhiggo.

Diiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa socon doonta labo maalin, iyadoo ay ku egtahay maalinta berri oo ku beegan 26 November.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]