Al-shabaab oo weerar dhabo-gal ah ku dilay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa ilaa 10 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay weeraro dhabo-gal ah oo ka dhacay dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dexe.
Sidoo kale weerarkan ayaa la sheegay in miino ay la qaraxday baabuur
nooca raaxada ah balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku sugan deegaanno ka mid ah gobolka Sh/dhexe saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Milatariga.
Deegaanka u dhexeeya Qalimow iyo Gololey ayaa waxaa hore dhowr jeer
lagu weeraray ciidamo Milatari ah iyadoo sidoo kale lagu diley qarax
miino labo xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad goboleedka
Hirshabelle.
Halka weerarkan oo uu ka dhacay ayeey mar badan oo hore Al-shabaab ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda, saraakiil iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo dowladda federaalka ay ka soo saartay weerarka lagu dilay Askarta ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ka soo laabtay degmada Jowhar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]