4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2018
Wasiir Beyle: Waxaa jirta lacag 50 milyan oo dollar ah oo Sacuudigu ku deeqay oo aan ku dhicin Bankiga dhexe

 

Sabti, November, 24, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaarrada Maaliyada xukukumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta tagay xarunta Golaha Shacabka ayaa iska difaacay eedeyntii ay dhawaanta soo jeediyeen guddiga Maaliyada.

Wasiirka ayaa sheegay in lacag 50 milyan ah oo uu Sacuudigu soo dhiibay aysan ku soo dhicin Bankiga dhexe isaga oo intaa ku daray in lacagtaa  ku dhacday  Banki ku yaalla  Turkiga, halkaasoo uu xusay in laga maamulay.

“Waxaan ku shaqaynaa nidaam caalami ah, waxaana nagula xiray 14 qodob  oo habeen waliba nagula yiraahdo, guddigu waxay ahayd in ay anaga nala  tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen warbaahinta, anagaa ku jirna  ceelka guntiisee, Arintaan waxa ay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib  noola celiyo” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa dhinaca kale shegay  in ay u dhacday lacagihii shaqaalaha, sidoo  kalena aysan Imaaraadka ka imaan lacagtii laga sugayay ee ay ugu tala  gashay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda  in ay ku heystaan in uu u fuliyo mashruuc, isagoo warbixinta ku tilmaamay  mid mala awaal ah.

Warbixinta gudiga Maaliya ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhalatay dood adag oo ay ku kala aragti duanyihiin xildhibaanada Golaha waxa ayna xukuumada ku tahay dhabar jab weyn. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]