11/15/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Muuse Biixi : Waxaan ballan ku qaadnay in aannu wada hadal la gali doonin Soomaaliya ilaa ay ogolaadaan madax-bannaanideenna


 

Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii ugu danbeeyay-ba socdaal ku marayay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliland ayaa wacad ku maray in aysan wada hadal la gali doonin dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ku sugnaa magaalada Burco ayaa isaga oo la hadlayay qaar ka mid ah shacabka magaalada waxaa uu si carro leh uga hadlay arinta wada hadallada Soomaaliya.

"Ma aha Soomaaliland mid indhaha laga qarin karo. Xuduudkii uu ingiriiska dhisay baan ku taagannahay, waxaana dooneynaa ineynu wadahadal iyo nabad ku kala baxno laakiin inamada maanta Xamar ka talinaya wey la noqon weyday " ayuu yiri Muuse Biixi.

Wada hadallada labada dhinac oo marxalado kala duwan soo maray ayaa hakad ku jiray in muddo ahba, dhowr jeer oo hore-na waxaa jiray balanqaadyo la xiriiray in dib loo bilaabi doono wada hadallada.

Laakiin hadalka madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa u muuqda mid quus ka sii dhigay \a rajadii laga qaba in la sii wado wada hadallada labada dhinac.

"Madaxweynuhu hadalka uu sheegay sidaas ayuu ku saxan yahay, waxaana kuu caddeyneynaa xukuumad ahaan in dowladda Farmaajo ay shaqo ka dhigatay iney maalin walba si bareer ah u xaasiddo guulaha iyo horumarka Soomaaliland. Annaguna haddaan nahay xukuumadda Soomaaliland waan joojinay wadahadalkoodi, mana aqbaleyno in aan hadal lasii wadno nin maalin walba ku mashquulsan dib u dhaceenna" sidaa waxaa BBCda u sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

Soomaaliland ayaa dhinacooda ku gacan sayrtay iskaashiga madaxda gobolka, waxaana uu afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland sheegay in arintan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhankooda’’"Annagu waxaan nahay Jamhuuriyadda Soomaaliland, dalkeennu wuxuu ku yaallaa geeska Afrika, waxaana ka mid nahay waddamada ku yaalla gobolka oo ay Jabuuti ku jirto. Madaxweyneyaasha kulmay iyo midnimada ay ka hadlayeen waa wax danohooda ah oo iyaga ka dhexeeya annaguna waxaan kala mid nahay dalalka kale ee gobolka".

Wada hadalka labada dhinac ayaa soo bilaaw-day dowladda KMG aheyd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, waxaan ay wada hadalladan sii socdeen ilaa dowladdii uu madaxda ka ahaa Xassan Sheekh Maxamuud, laakiin wada hadalladu ayaa hakad ku jiray tan markii ay tallada la wareegtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]










Click here
11/21/2018 12:20 PM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya gaar ahaan War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Al-shabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

11/21/2018 10:29 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Waxey u muuqataa in uu dhaqan-galay heshiiskii magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhada ONLF, iyadoo maanta magaalada Jigjiga lagu soo dhaweeyay cutubkii ugu horeeyay ciidamo ka tirsan Jabhada oo ka soo kicitimay magaalada Asmara.

11/21/2018 10:09 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Ergooyin kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay ku soo qulqulayey magaalada Taleex ee gobolka Sool si ay qayb uga noqdaan soo afjatida colaad toban sano ku dhowaan ka taagnayd oo u dhexaysey laba beelood oo halkaa wada dega.

11/21/2018 6:46 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Agaasimihii cadaalada qaranka Somaliland Xuseen Maxamed Lucky ayaa maanta is casilay, waxaanu eedeen usoo jeediyey madaxda sare ee Somaliland .

11/21/2018 6:29 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Wararka xiligan naga soo gaaraya Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay labo ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

11/21/2018 3:25 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) -Ilaa Shan ruux ayaa ku dhaawacantay dalka Kenya nin u dhashay dalka Talyaaniga waa la Afduubtay ka dib markii dagaallyahano lagu tuhunsan yahay Shabaab ay weerar ku qaadeen goob looga dukaameysto.

11/21/2018 1:49 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay la maqlay dhawaqa duqeyn culus oo mar kale ay halkaa ka geysteen diyaarado dagaal.

11/21/2018 12:25 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamed uu ayaa si adag uga horyimid ololaha siyaasadeed ee ka socda Geeska Africa, gaar ahaan isku soo dhawaashiyaha siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

11/21/2018 12:07 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Madaxweyne Donald Trump ayaa si weyn u taageeray dowladda Sacuudiga, xilli ay Bulshada Caalamka ay aad ugu cambaareysay Riyadh dilka wariye Jamal Kashikji.