4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay duqeyntii ugu danbeysay ee ka dhacday gobolka Mudug

 

Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya gaar ahaan War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Al-shabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidmaada Qaranka oo taageero Ka helaya Mareykanka ayaa markale maanta hawlgal Ka dhan ah Alshabaab Ka fuliyay Gobalka Mudug.

Hawlgakaan ayaa qayb Ka ah dadaalka ay Dawladda Soomaaliya kor ugu qaadayso Badqabka Bulshada Soomaaliyeed laguna wiiqayo Shabaab.

Howalgalkaan waxaa lagu dilay Lix Shabaab ah mana jirto qasaare gaaray Shacabka.

Dawladda iyo Saaxiibadeed weey sii wadayaan Dagaalka Ka dhanka ah Alshabaab meel kasta oo ay Soomaaliya kaga suganyihiin”.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]