3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Wufuud gaadhey degmada Taleex si ay qayb uga noqdaan soo afjarida colaad toban sano ku dhowaan ka Taagnayd


Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Ergooyin kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay ku soo qulqulayey magaalada Taleex ee gobolka Sool si ay qayb uga noqdaan soo afjatida colaad toban sano ku dhowaan ka taagnayd oo u dhexaysey laba beelood oo halkaa wada dega.

Wufuudan oo ka kala yimi degaano badan oo dalka gudihiisa iyo debediisa ah ayaa waxa u dambeeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo horkacayey boqolaal maxad-dhaqameed, Cuqaal, Culimo iyo waxgarad isugu jira.

Boqorka iyo weftigiisa oo duhurnimadii maanta soo gaadhey Taleex ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey iyadoo dadku tubnaayeen degaano ka durugsan magaalada oo kaga aadan dhinaca Garoowe.

Boqorka ayaa waxaa ku soo dhoweeyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo cuqaasha beelaha degaankaasi wada dega, Waxaan ay Boqorka uga mahad celiyeen hiilka tolnimo ee ay isugu soo xilqaameen qayb ka noqoshada islaaxa beelaha wallaalaha ah.

Boqorka ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta waxaanu uga cudur daaray daahida waqtiga iyo dadka cadceeda tubnaa, iyadoo Boqorka iyo weftigiisu ay ka soo kicitimeen magaalada Garoowe.

Magaalada Taleex ayaa muuqaal ahaan ka duwanayd sidii ay ahayd laga soo bilaano dhamaadkii 2011 oo colaad laba daamood magaalada u qaybisay ka dhacday taas oo galaafatay dad aad u badan dhaqaalaha degmadana dhulka la sintay sida ay xaqiijiyeen aqoonyahanka degaankaas.

Dhawr todobaad oo beelaha degmada Taleex ay iskood u wadeen wadahadal ayaa laga gaadhey is afgarad buuxa oo laga gaadhey colaadaas curyaamisey guud ahaan degmada Taleex iyo gobolka Soolba.

Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Guud ahaan xaflad aan horey uga dhicin degmada lagu qabto taas oo ah ta sababtay in bulshada qaybaheeda kala duwan ay u boqoolaan halkaas iyadoo dhowrjeer oo hore lagu guuldaraystay balse tan ay ka duwan tahay maadaama uu yahay heshiis aan cid dhexdhexaadinaysaa aanay jirin ee iskood dantooda wada fahmaan. 

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

laascaanood G. Sool













Click here
11/21/2018 1:52 PM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii ugu danbeeyay-ba socdaal ku marayay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliland ayaa wacad ku maray in aysan wada hadal la gali doonin dowladda Soomaaliya.

11/21/2018 12:20 PM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya gaar ahaan War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Al-shabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

11/21/2018 10:29 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Waxey u muuqataa in uu dhaqan-galay heshiiskii magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhada ONLF, iyadoo maanta magaalada Jigjiga lagu soo dhaweeyay cutubkii ugu horeeyay ciidamo ka tirsan Jabhada oo ka soo kicitimay magaalada Asmara.

11/21/2018 6:46 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Agaasimihii cadaalada qaranka Somaliland Xuseen Maxamed Lucky ayaa maanta is casilay, waxaanu eedeen usoo jeediyey madaxda sare ee Somaliland .

11/21/2018 6:29 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Wararka xiligan naga soo gaaraya Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay labo ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

11/21/2018 3:25 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) -Ilaa Shan ruux ayaa ku dhaawacantay dalka Kenya nin u dhashay dalka Talyaaniga waa la Afduubtay ka dib markii dagaallyahano lagu tuhunsan yahay Shabaab ay weerar ku qaadeen goob looga dukaameysto.

11/21/2018 1:49 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay la maqlay dhawaqa duqeyn culus oo mar kale ay halkaa ka geysteen diyaarado dagaal.

11/21/2018 12:25 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamed uu ayaa si adag uga horyimid ololaha siyaasadeed ee ka socda Geeska Africa, gaar ahaan isku soo dhawaashiyaha siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

11/21/2018 12:07 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Madaxweyne Donald Trump ayaa si weyn u taageeray dowladda Sacuudiga, xilli ay Bulshada Caalamka ay aad ugu cambaareysay Riyadh dilka wariye Jamal Kashikji.