4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud oo goor dhaw Muqdisho lagu dilay

 

Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Wararka xiligan naga soo gaaraya Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay labo ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

Dad ku suganaa goobta toogashadu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in labada nin oo wada socday mar kaliya lagu weerar ku qaadeen rag kale oo bastoolado ku hubeysnaa kuwaa oo rasaas furay.


Labada  ruux ee la dilay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud xiliga toogtay-na ku sii jeedeen masjid aan goobta ka fogeen.

Ragga dilka geystay ayaa baxsaday waxaana goobtaas xiray ciidamada amaanka dowlada federaalka oo daqiiqado ka dib halkaas gaaray.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho labo nin oo ka tirsanaa howlwadeenada shirkada Hormuud.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay in si gaar ah loogu bartilmaameedsado shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkaddaha faca-weyn ee Soomaaliyeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]