4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Duqeyn mar kale xalay ka dhacday gobolka Mudug

 

Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay la maqlay dhawaqa duqeyn culus oo mar kale ay halkaa ka geysteen diyaarado dagaal.

Dadka deegaan ayaa u sheegay Idaacadaha maxaliga ah in ay maqleen jug iyo dhawaaq xooggan oo ahaa duqeynta loo geystay saldhig Al-shabaab ku lahaayeen Gobolka Mudug.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii saddexaad oo ay diyaarado dagaal ka fuliyaan gobolka oo lagu beegsaday xoogagga Al-shabaab ee ka howlgala bartamaha Soomaaliya.

Taliska Mareykanka Africom ayaa sheegay in labo duqeyn oo 19kii bishan ay ku fuliyeen gobolka Mudug ku dileen tiro ka badan 37 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]