Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka soo horjeestay isdhax-galka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore
ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamed uu ayaa si adag uga horyimid ololaha
siyaasadeed ee ka socda Geeska Africa, gaar ahaan isku soo dhawaashiyaha
siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamay tallaabo lagu deg
degayo waqtigan islamarkaana suurtagal aheyn in Soomaaliya iyo Itoobiya ka
midoobaan dhinaca siyaasada, madaama ayuu yiri Soomaaliya wali dowladnimadeedu
bislaanin arintaa iyada ah.
‘’Mida aan maanta la bilaabi karin waa mid
siyaasada, maanta annaga iyo Itoobiya siyaasadaan ka midoobeynaa ma dhihi karno
waqtiggeedi ma’aha, dalkan marka uu dego uu dowlad micno leh yeesho oo
dowladdiisu dowlad degan oo adag noqoto markaa kaddib waa la oran karaa bal
siyaasada-na aan ka midoowno laakiin hadda ma’aha’’ ayuu yiri Xassan Sheekh Max’uud.
Laakiin waxaa uu sheegay in dhinaca dhaqaalaha
iyo xiriirka ganacsiga si taxadar leh looga wada hadli karo, waxaana uu meesha
ka saaray in xudduudaha labada dal markiiba leysku furo, iyadoo laga duulayo is
dhax-galka ganacsi iyo dhaqaale.
‘’Laakiin tan dhaqaale iyo masaaliixda kale ee ganacsiga wada hadalkeeda waa la bilaabi
karaa, taas laftirkeeda ayaa u baahan taxadir iyo in aan lagu soo boodin
xudduudihii waa la furay iyo is dhaxgal deg deg ah ’’ ayuu yiri
Xassan Sheekh.
Dhinaca kale ayuu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay
ka been sheegtay ,islamarkaana korarka dhaqaallaha Soomaaliya uu soo bilowday
Sanadkii 2013-kii waxii xilligaasi ka dambeeya sanadba sanadka ka dambeeyay
laga sameeyay horumaro kala duwan.
Waxaa uu ku dhaliilay dowladda in ay
siyaasadeysay dhaqaallaha dalka, loona baahanaa in dadka
Soomaaliyeed runta loo sheego oo dib loogu laabto kororka dhaqaallaha ee
soo bilowday sanadkii 2013-kii.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]