4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Golaha Wasiirrada Puntland oo taageerray go'aamadii ka soo baxay shirkii maamul-gobolleedyada ee Garoowe
 
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)–  Golaha wasiirrada Puntland oo maanta ku shirey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa taageerray go'aamadii ka soo baxay shirkii madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

"Golaha xukuumadda Puntland oo dood dheer ka yeeshay geeddi socodka siyaasadda dalka ayaa si buuxda u ayiday go'aankii ay golaha Iskaashiga dowlad-gobolleedyada ku gaareen Garoowe.. waxayna golahu sheegeen in geeddi socodka siyaasadda Federaalka ay gabi ahaanba baalmarsantahay sharuucda dalka." ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay shirka golaha wasiirrada Puntland.

Shirka golaha wasiirrada oo toddobaadkii maalinta khamiista qabsooma, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga ,Ansixinta siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda horumarinta dhallinyarada.

Warsaxaafadeedka golaha wasiirrada Puntland

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]