4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Kenya

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta  magaalada Nairobi kula kulmey dhiggiiisa dalka Kenya, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka heley.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa looga hadley Isku-socodka dadka ee labada dalka, Tahriibka, Isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha, waxaana la isla qaatey in iskaashi joogta ah laga yeesho arrimahaasi.


Agaasimaha socdaalka Kenya ayaa u xaqiijiyey agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in Kenya diyaar ugu tahey iskaashi dhinaca socdaalka, waxaana joogto noqon doona kulamada iyo booqashooyinka labada dhinac.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh xudduud dhinaca dhulka ah oo aad u dheer iyo sidoo kale duulimaadyo toos isugu gudbo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]