4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo kulan la qaatay Xildhibaanno ka soo horjeeda madaxweynaha Koonfurgalbeed

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Ilaa labaatan xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah oo albaabada u xirnaayeen la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh.

Xildhibaannada la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka, ayaa maalin ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho,iyadoo kulanka looga hadlay doorashada madaxweynaha Koonfurgalbeed oo lagu wado magaalada Baydhabo inay ka dhacdo 17-ka bishan November.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh ayaa la sheegay xildhibaannada Koonfurgalbeed inuu u sheegay inay doortaan cidda ay u arkaan inuu ka turjumayo rabitaanka shacabka Koofur-galbeed.

Muddada ay joogan magaalada Muqdisho xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Koonfurgalbeed oo la sheegay inay si gaar ah uga soo horjeedan madaxweynaha talada haya ee Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ,waxaa ay la kulmi doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo mas'uuliyiinta dowladda federaalka.

Doorashada ka dhacaysa bishan maamulka Koonfurgalbeed, waxaa lagu sheegay mid xasaasi ah oo ka duwan doorashooyinkii hore uga dhacay maamulka,iyadoo dowladda federaalka lagu eedeynayo inay wadato musharrixiinta gaar ah oo ay faragelin ku hayso doorashada ka dhacaysa Baydhabo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]