4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Diyaarad siday Gaari aan xabaddu karin oo ka degtay garoonka diyaaradaha Garoowe

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Diyaarad siday Gaari nooca aan xabaddu karin ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow garoonka.

Gaariga waxaa la sheegay inuu leeyahay mid ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, warar ayaa sheegaya musharraxaa inuu yahay Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) oo maanta gaaray magaalada Garoowe.

Diyaarada siday gaariga ayaa toddobaadkii hore sidan oo kale ka dejisay garoonka diyaaraha magaalada Baydhabo gaadiid nooca aan xabaddu karin ah iyo ilaalo la sheegay inay lahaayeen musharrixiin ay taageersan tahay dowladda Federaalka oo ka qaybgalaya doorashada madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed.

Ciddii ma xaqiijin wali diyaaradaha inay Gaariga aan xabadu karin ka keentay Muqdisho iyo in dowladda federaalka ay soo siisay Gaarigan musharrax Jabiye oo ah ganacsade,iyadoo xiriir HOL ay la sameysay musharraxa ay suuragali waayeen si arrimo ku saabsan Gaarigan oo aad looga hadal hayo Puntland wax uga waydiiso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]