Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday rag dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay dhac ka geysan jireen degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Aweys Cali Macalin iyo Ayaanle Axmed Nuur ayaa la sheegay inay dhac u geysteen askari ka tirsan ciidanka amniga iyo dad shacab ah.
Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah dadkii ay dhaca u geysteen oo isugu jira kuwo ay ka dhaceen Mobile iyo wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysan jiray xirfada sawir qaadaha oo ay ka qaateen Camero.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in labadan eedeysane lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda Ciidamada ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay fulineysay xukuno kala duwan oo u badnaa askar iyo kooxo falal amni dari ka geysan jiray magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]