4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2018
Xidlhibaan C/laahi Goodax Barre oo kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxa’uud

Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamanka ayaa dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud.

Xildhibaan Goodax iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hore uga dhexeeyay Khilaaf, ayadoo xidlhibaanku uu marar badan ka hor yimid siyaasadaha Madaxweynihii hore ee dalka, gaar ahaan xilligii la dhisayay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo doorashadii kursiga Xildhibaan Goodax oo lagu eedeeyay in madaxweynihii hore ee dalka uu faragelin ku sameeyay.

Masuuliyiintan ayaa ku kulmay dalka Turkiga, ayadoo kulankooda ay ka shaqeeyeen siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dalka, waxaana masuuliyiintan ay ka heshiiyeen xurguftii siyaasadeed ee ka dhexeeysay.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.