4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2018
Ismaaciil Max’ed oo u tartamayay xaafadda 25 ee Columbus Ohio ayaa laga adkaaday
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Gabi ahaan dalkan Mareykanka waxaa ka socda doorashooyinka dhexe ee sanadk 2018, Soomaalida Mareykankuna waxay ka mid yihiin dadka u ordaya kuraasta kala gadisan ayaga oo ka tartamaya gobollo kala duwan.

Haddaba gobolkani Ohio magaalada Columbus degmadda 25 waxaa u tartmaya sadex qof oo ka socda xisbiga Democracy, mid ka mid ahna waa Ismaaciil Maxamed oo ah nin dhalinyaraa  isla markaana ah qareen.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay Kooxaha ololaha Ismaaciil wadeen dadaallo ku aadan sidii ay u gulaysan lahaayeen iyaga oo gaarayay ama tagayay xaafadaha Soomaalida iyo ajnabigaba leh, waxayna soo bixiyeen ama goobta doorashada gaarsiiyeen dad aad u badan.
Asbuucii ugu danbeeyay waxa uu ahaa midkii ugu adkaa ololaha doorashada waana sanadkii ugu horeeyay ee ay Soomaali badan ka qeyb qaateen waxa loo yaqaan “Early Vote” taas oo cabsi galisay dhinacyadii la tartamayay Ismaaciil.

Hadaba markii ay soo xirmeen goobihii codbixinta waxa ay Soomaalidii isugu yimaadeen Maqaaxida weyn ee Pizza House oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal Soomaali ah ka warsugayay natiijada doorashada iyaga oo rajo fiican ka qabay in uu Ismaaciil guuleysto.
Waxaa hadba ay tirinta codadku is badalaan waxaa soo baxay natiijada oo noqotay mid aan farxad galin Soomaalidii goobta joogtay iyo Ismaaciil Maxamed.

Waxaana Ismaaciil laga koreeyay codad gaaraya sideed boqol (800) waxa ayna u kala heleen sidan.

Bernadine Kennedy Kent oo heshay 4,881 (Afarkun sideed boqol sideetan iyo kow )
Ismaaciil Maxamed oo helay 4,058 ( Afar kun konton iyo sideed)

Lamar D Peoles oo helay 1,532 ( kun shan boqol sodon iyo labo) Hadaba codadka uu helay Ismaaciil waxa ay ahayeen kuwo muujinaya suurto-galnimada in gobolka Ohio oo aysan Soomaalidu wali ka tartamin ka samayn karaan isbadal siyaasadeed, waxa ayna uga dhigneyd iyaga oo guuleystay.

Waa markii ugu horeysay oo qof Soomaali ah sameeyo tartan adag oo noocan oo kale ah waxana ismail uu furay wadadii ay qaadi lahayeen jiilasha Somalida Ohio ee aqoonta u saaxiibka ah.

Deeqo Shire (SONNA)
[email protected]