4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Jaaliyadda Soomaalida Sweden ayaa deeq gaarsiiyay dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaaddii Baladweyne
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) -Tan iyo Markii ay soo if'bax Saameynta Fatahaada Wabiga Shabelle ee magaalada Beledweyne islamarkaana Qoysas badan ay ka barakaceen Daadadka ayaa waxaa dhinac socotay Gargaaro kala gadisan oo Dadka uga imaanayay Dowlada, Shirkadaha Ganacsiga iyo Jaaliyada Dibada.

Jaaliyadda soomaaliyeed ee Dalka Sweden gaar ahaan Magalada Linkoping ayaa waxeey deeq gargaar Lacageed ah soo gaarsiiyeen Dadka ku barakacay Magalada Beledweyne ee ku sugan deegaanka Ceel-Jaale.

Dadka Deqdan Lacageed Ka faa'ideystay oo kor u dhaafayo ilaa 70 ruux  ayaa iskugu jiray Rag iyo Dumar, Waayeel iyo dad kale oo naafo ah, waxaana qofkiiba la siiyay lacag dhan 50 dollar.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Linkoping ee Wadanka Sweden ayaa waxaa ay deeqdan Lacageed usoo wakiisheen Guddiga uu Madax u yahay Xaaji Maxamed Macallin Sultaan oo isagu dadkaasi Lacagta gargaarka ah u qeybiyay.

Gudigan oo Hiiraan Online la soo xariiray ayaa sheegay in Xaaladda Dadku ay tahay mid aad u liidato Dhinaca Nolosha Xaqiiqdiina ay gaarsiiyeen Dadka ugu jilicsan lacagtan deeqda ah balse wali ay taagantahay Baahiyahay ay qabaan Dadka, waxayna baaq Guud u diray dhamaan Umada soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gargaarka Shacabkan Dhiban.

Dhammaan Dadkii ay gaartay Lacagtan oo ahaa dad danyar ah ayaa u mahad celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Linkoping ee Dalka Sweden iyagoo ugu duceeyay in Ilaah badalkeeda uu siiyo. 

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya