4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed oo ku dagaalamay deegaano hoostaga Baydhabo

Axad, May, 06, 2018 (HOL) -
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeyay ciidamada  maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab uu maanta ka dhacay duleedka degmada Baydhabo ee deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijyay ilaa 5 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay oo labada dhinac ah iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badan yahay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad ku dhaw Deegaanka lagu dagaallamay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ka baxay Baydhabo, islamarkaana ay kusii jeeday degmada Qansaxdheere.

Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa la soo gaarsiiyay qaar ka mid ah Askartii kusoo dhawaacantay Weerarkaasi.

Ma ahan Markii ugu Horeysay ee Al-Shabaab Weeraro qorsheysan la eegta Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, xilliyadda ay ku jiraan howlgallada iyo sidoo kale Safaradda waxaana jiro Weeraro badan oo hore oo sidan oo kale lala eegtay Ciidamada Konfur galbeed kuwaasi oo ay ka dhasheen Khasaaro kala gadisan.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya