4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -
Mudane Xasan Cali Khayre oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Biljimka, halkaa oo uga qeybgalayay shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah jaaliyadaha Soomaalida ee Qaaradda Yurub.

Kulanka uu raysul wasaaraha la qaatay madaxda Jaaliyadaha Soomaalida ee Yurub ayaa waxaa ay uga wada hadleen ix-xo-wareeysi ku saabsan xaaladda dalka iyo kaalinta ay qurba-joogta ka qaadan karto horumarka iyo dib usoo kabashada dalka.

Kulanka ayay masuuliyiintu sidoo kale uga hadlay fatahaadaha ka dhacay qeybo ka tirsan dalka ee ay dadka badani waxyeelada kasoo gaartay, ayagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa taageerada shacabkaasi dhibaateeysan.

Madaxda Qurba-joogta ayaa xukuumadda Soomaaliya uga mahadceliyay dadaallada ay wado ee lagu xasilinayo dalka, ayagoo ku dhiirigeliyay in ay dadaalladooda sii wadaan, waxay sidoo kale sheegeen in Soomaaliya ay saarantahay wadadii ay kusoo ceshan lahayd sharaftii iyo karaamadii ay ku lahayd dunida.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.