4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Shir looga hadlayo iskaashiga dhaqaalaha ee dalalka Afrika oo ka furmay Koonfur Afrika
Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Shiinaha ayaa waxaa ka qeybgalay madax iyo ganacsato ka socotay dalalka ku yaal qaaradda Afrika, ayadoo dal walba uu soo bandhigi doono wax soo saarkiisa iyo kheyraadka uu eebbe ku maneystay.

Shirka ayaa waxaa daahfuray madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Criral Ramaphosa, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen madax ka socotay dowladaha Afrika, wasiirro ka socday dalka Shiinaha, madax ka socota ururrada caalamiga ah, shirkadaha ugu waaweyn ee dhanka ganacsiga Shiinaha iyo kuwa qaaradda Afrika.

Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkan heerka caalami ah.

Wafdiga ka socday Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha dibadda Japan, Madaxweyne kuxigeenka hay’adda gargaarka iyo horumarinta dalkaasi Japan iyo madax ka socotay hay’ado caalami ah oo lagu casuumay shirka.

Shirkan oo inta uu socday looga hadli doono arima badan oo ku saabsan sidii dowladda Japan iyo dalalka ku yaal qaaradda Afrika ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca dhaqaalaha, waxaana lagu wadaa in shirka lasoo gabagabeeyay maalinta berito ah.


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.