4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2018
Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir: Qofkii danbi loo soo qabto xildhibaanno iyo Wasiirro ayaa daba socda
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdullaahi oo maanta  ka qeybgalay Barnaamij aqoon kororsi ah oo loo qabtay laamaha ammaanka, xubno ka socday degmooyinka iyo garsoorka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee  Baarlamaanka Soomaaliya.

Dr. Aways ayaa waxa uu sheegay in howlaha Garsoorka Gobalka Banaadir ay ka wadi la’yihiin Xildhibaanno iyo Wasiirro uu sheegay in ay mar walba fara galiyaan kiisaska dacwadaha ee ay qabato Maxkamadda Gobalka Banaadir.

“Kuwaa Madaxweynaha u taga, kuwaa Ra’iisul Wasaaraha u taga waa inta tuugada ah ee annaga aan soo ceyrinnay, aniga Golaha Shacabka waxba kama sheegaayi, laakiin qaarkood waa laga shaqeyn la’yahay, qaarkood ayaan la kaftamay, waxaan ku iri Xildhibaanno Qaran miyaa tihiin, mise Qareenno qabiil ayaad tihiin, laba qof oo is heysata ayay mid soo raacayaan, Garsoorka waa shaqada ugu adag ee la qabto.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Aweys ayaa Sidoo kale sheegay in ay cadaalad darro tahay laba qof oo is heysata in dhinac lala safto, wuxuuna tilmaamay Garsoorka inuu muhiim u yahay shaqada Dowladda, sidaasi darteed ayuu xildhibaannada qaar ka dalbaday in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha cadaaladda.

Dhawaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. yariisow) uu sheegay in uu ka shaqeyn la'yahay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay wataan dad gaar ah oo ay doonayaan in loo shaqaaleeysiiyo.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.