3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2018
Gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -
Munaabad kooban oo ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka  Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Gudoomiyihii hore ee iscasilay  mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta ka dhacday Xarunta Gudiyada iyo Guddoonka ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad ee Golaha iyo labada Gudoomiye ee xilka isku wareejinayay.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ayaa lagu wareejiya dhamaan dukumiinyiyada Golaha, Hindiso sharciyeedyada horyaal golaha iyo maamulka guud ee Golaha.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa Munaasabadda ka jeediyay qudbad uu kaga hadlayay waxyaabihii u qabsoomay iyo ajandooyinka horyaalla Golaha, waxuuna sidoo kale ku wareejiyay Nuqulka Asalka u ah Dastuurka Soomaaliya, isagoo dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in la xaday Dastuurka Dalka.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in uu la kaashan doono qorshayaasha qabyada ah ee golaha horyaalla, waxuuna bogaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu hormuudka uga ahaa Golaha Shacabka Mudane Jawaari.


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.












Click here
5/3/2018 10:23 AM EST
Khamiis, May, 03 ,2018 (HOL) – Kalfadhigii golaha Wasiirada ayaa maanta laga soo saaray saddex qodob oo kala ah in hay’adaha Soomaaliya laga leeyahay ka hawlgalin Karin Somaliland...

5/3/2018 9:48 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdullaahi oo maanta ka qeybgalay Barnaamij aqoon kororsi ah oo loo qabtay laamaha ammaanka, xubno ka socday degmooyinka iyo garsoorka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

5/3/2018 9:30 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo Bogaadin ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyayaasha Soomaaliyeed meelkasta oo ay Dunida ka joogaan.

5/3/2018 8:54 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Gudoomiyaha oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha ku yaal Muqdisho ayaa sheegay in mudado sedex bilood ah ay ka shaqeyn la’yihiin madax uu ku tilmaamay danleey..

5/3/2018 7:57 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Wafdigan Maanta gaaray Magalada Baladweyne ayaa waxaa hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Ra'iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed....

5/3/2018 7:48 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ay sababaan “Wakiillo ajnabi ah” kuwaa oo uu xusay in ay doonayaan in ay xasiloonid darro iyo kala qo-qob ku sameeyaa Soomaalida.

5/3/2018 4:09 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Wararka Naga soo gaarayo Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegayo in Ra’iisal Wasaaruhu uu u gudbiyey farriintiisa ah in hadda ay jirto rajo badan oo ay Soomaaliya ka soo ka banayso.....

5/3/2018 3:44 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Ku simaha wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ahna wasiir kuxigeenka wasaaraddaasi mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ugu hambalyeeyay wariyeyaasha Soomaaliyeed maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda...

5/3/2018 3:39 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Maamulka Gobolka Benaadir iyo wasarada dhalinyarada iyo sportiga dowlada soomaliya oo iskashanaya ayaa Waxa ay usameyen cayaartooyda munaasabad soo dhaweyn ah iyo sidoo kale abaal marin 10.000 oo dollar oo maamulka ugu talagalay ciyaartoydaasi sidoo kale waxaa munaasabadaan kusugnaa

5/3/2018 3:35 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) - Dableey hubeysan xaruunta ICRC ee magaalada Muqdisho ka af-duubtay gabar u shaqeysa hay’adda ICRC