3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2018
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oola kulmay Guddida ammaanka iyo siyaasadda ee Midowga Yurub
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Wararka Naga soo gaarayo Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegayo in Ra’iisal Wasaaruhu uu u gudbiyey farriintiisa ah in hadda ay jirto rajo badan oo ay Soomaaliya ka soo ka banayso, xaaladihii kala duwanaa, ee uu Dalka soo maray taasina ay uga wacantahay sida ay Safiirrada Midowga Yurub u muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin qorshayaasha xumuumaddiisa.

Kulankan intii uu socday ayuu Ra’iisal Wasaare Kheyre xusay Saddex qodob isagoo uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub inay taageeraan Dowladdiisa.

1) Deeq Maaliyadeed oo toos ah oo xaddigeedu gaarayo €100 Million (Barnaamij la ansixin doono dhammaadka Bisha May).

2) Taageero baaxad leh oo dhaqaale oo ku waajahan dadaallada xasilineed oo gaaraysa €80 Million, taas oo iyadana la ansixin doono dhammaadka Bisha May.

3) Taageero joogto ah oo ku aaddan AMISOM, taas oo dooddeeda si dhakhso ah loo bilaabi doono, ayna soo dhammaan doonto dooddaasi gabagabada bisha June.

SI kastaba ha ahaatee Xukuumada Federalka ayaa sida ay sheegtay waxaa ay wadaa dadaalo xoogan oo ka turjumaya sida ay uga go’an tahay inay jid walba u marto sidii ummada Soomaaliyeed u heli lahayd Nolol wanaagsan, Nabad waarta iyo Nidaam guulaysta oo ka hir gala guud ahaan Dalka.

Ilyaas Axmed Cilmi,
Hiiraan Online













Click here
5/3/2018 10:23 AM EST
Khamiis, May, 03 ,2018 (HOL) – Kalfadhigii golaha Wasiirada ayaa maanta laga soo saaray saddex qodob oo kala ah in hay’adaha Soomaaliya laga leeyahay ka hawlgalin Karin Somaliland...

5/3/2018 9:48 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdullaahi oo maanta ka qeybgalay Barnaamij aqoon kororsi ah oo loo qabtay laamaha ammaanka, xubno ka socday degmooyinka iyo garsoorka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

5/3/2018 9:30 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo Bogaadin ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyayaasha Soomaaliyeed meelkasta oo ay Dunida ka joogaan.

5/3/2018 9:23 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Munaabad kooban oo ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Gudoomiyihii hore ee iscasilay mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta ka dhacday Xarunta Gudiyada iyo Guddoonka ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

5/3/2018 8:54 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Gudoomiyaha oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha ku yaal Muqdisho ayaa sheegay in mudado sedex bilood ah ay ka shaqeyn la’yihiin madax uu ku tilmaamay danleey..

5/3/2018 7:57 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) -Wafdigan Maanta gaaray Magalada Baladweyne ayaa waxaa hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Ra'iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed....

5/3/2018 7:48 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ay sababaan “Wakiillo ajnabi ah” kuwaa oo uu xusay in ay doonayaan in ay xasiloonid darro iyo kala qo-qob ku sameeyaa Soomaalida.

5/3/2018 3:44 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Ku simaha wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ahna wasiir kuxigeenka wasaaraddaasi mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ugu hambalyeeyay wariyeyaasha Soomaaliyeed maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda...

5/3/2018 3:39 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Maamulka Gobolka Benaadir iyo wasarada dhalinyarada iyo sportiga dowlada soomaliya oo iskashanaya ayaa Waxa ay usameyen cayaartooyda munaasabad soo dhaweyn ah iyo sidoo kale abaal marin 10.000 oo dollar oo maamulka ugu talagalay ciyaartoydaasi sidoo kale waxaa munaasabadaan kusugnaa

5/3/2018 3:35 AM EST
Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) - Dableey hubeysan xaruunta ICRC ee magaalada Muqdisho ka af-duubtay gabar u shaqeysa hay’adda ICRC