4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Xildhibaan ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Gaalkacyo

 

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku toogteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Macalin Daahir.

Goobjoogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in laba qof oo hubaysan ay toogasho ku dileen xildhibaanka iyo nin ilaaladiisa ah kadibna ay ka baxsadeen goobta.

Gaar ahaan dilkan ayaa ka dhacay Agagaarka huteelka Classic oo ku yaalla magaalada Gaalakacayo dhinaceeda Waqooyi.

Xildhibaanka ayaa isaga oo qaba dhaawac culus loo qaaday Isbitaalka, halkaasoo markii danbe uu ku nafwaayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]