4/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Hormuud Foundation oo deeq lacageed u qeybisay dad naafo ah


Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) – Hay’adda Hormuud Foundation oo ah Qeybta Sama Falka iyo Gargaarka uqaabilsan Shirkadda Hormuud Telecom ayaa 500 oo Qof oo Naafo ah oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Deegaannada ku hareereysan u qeybisay lacag Cash ah, iyadoo qof kasta la guddoonsiiyey lacag dhan $100 Dollar.

Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Foundation ayaa faahfaahin ka bixiyey deeqda lacageed oo ay maanta hey’adda u qeybisay qaar ka tirsan Naafada ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Dad gaaraya 500 oo Qof oo Naafo ah oo isugu jira kuwa lixaadaha La’ iyo kuwa Aragga la’, kuwaas oo ka imaaday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dagmooyinka ku dhowdhow ayaan siinay lacag, waxayna ka socdeen 500 oo qoys, waxaana qof kasta siinay 100 dollar, Allaha u barakayo” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur.

“Waxaa ay qeyb ka tahay barnaamijyada aan ugu talagalnay Bisha barakeysan ee Ramadaan taas oo aan ugu adeegeyno bulshadeena Soomaaliyeed, Shalay ayeyna aheyd markaan deeq isugu jirtay Raashin, Shidaal iyo lacag aan gaarsiinay Shanta Isbitaal ee Muqdisho ugu weyn kowooda danta guud kuwaas oo kala ah: Dayniile, Madiino, Banaadir, Keysaney iyo Laasareeti, sidoo kale waxaan deeq gaarsiinay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe iyo naafada xoogga ee ku nool Isbitaalka Martiini”. ayuu yiri Cabdullaahi.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’isulwasaare Soomaaliya Maryan Aadan Amiin waxayna tiri“Hormuud waxaan rabnay ayey u taagan tahay hadaan dhaho dambi igama raacayo, Ramadaan marka la gaaro sidaas ayey bulshada wax u siisaa, markay fatahaado dhacaan waxay taagan yihiin biyaha dhexdooda, marka abaar dhacdo way dhex taagan yihiin iyagoo wax bixinayo, waxaana dhihi karaa  waxa ay dadka ka qaado kala bar iyaga ayey ku bixisaa” ayey tiri Marwo Maryan. 

Qaar kamid ah dadkii naafada ahaa ee looqeybiyay deeqda lacageed ayaa u mahadceliyay Hay’adda Hormuud Foundation waxaana ay sheegeen xiligga la siiyay kaalmada lacageed in ay baahi weyn u qabeen,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/23/2018 3:32 PM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku toogteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Macalin Daahir.

5/23/2018 1:11 PM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan degmada uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, taasoo keentay in dadku isaga gudbaan Doomo macmal ah oo ay sameysteen.

5/23/2018 12:12 PM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Waxaa magaalada Laascaanood laga soo saaray go'aano cusub oo xadadaya qaab nololeedkii hore ee Bulshda, una muuqatay in ay amaanka wax ka tari karto.

5/23/2018 8:37 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Ibraahim Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka barta tuuladda Gargaara ee gobolka Awdal ayaa masiibo naxdin leh ku habsatay ka dib markii duufaantii Roobka wadatay ka dishay sideed qof oo qoyskooddda ah.

5/23/2018 8:32 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Guddiga difaaca dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta soo saaray amar culus oo intooda badan quseeya dadka taageerada u fidiyay ama wararka maamulka u gudbiya sida hadalka u dhigeen Somaliland.

5/23/2018 7:46 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iska horimaad ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo afar ruux oo sida la sheegay bastoolado ku hubeysnaa.

5/23/2018 4:51 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka magaalada Muqdisho.

5/23/2018 1:58 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)-Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arabaco ah qorshuhu yahay in ay ku kulan xarunta Golaha Shacabka iyaga oo ka dooddi doona hindise Sharciyeedyo.

5/23/2018 1:47 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay jirto ifa faalo wayn oo muujinaya in uusan qabsoomi doonin kulanka lagu wado in uu dhexmaro isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

5/23/2018 1:38 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Soomaaliya guud ahaan marka la eego xiligan hadal heynta ugu weyn waa duufaanno wata dabeylo xooggan, roobab iyo waliba fatahaadda Wabiga oo ku dhuftay qeybo badan oo mid dalka Soomaaliya.

5/23/2018 1:22 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.