4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafaddo ka tirsan degmada Jalalaqsi


Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan degmada uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, taasoo keentay in dadku isaga gudbaan Doomo macmal ah oo ay sameysteen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM gaar ahaan ciidamada Jabuuti ayaa bilaabay in dadka jilicsan ay ka soo saaraan xaafaddaha ay daadadku ku dhufteen.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow ayaa sheegay in Qoysaskii degmada ku noolaa ka barakacayaan guryahoodii oo ay saameyn ku yeesheen daadadka ka soo fatahay Wabiga Shabeelle.

Si la mid ah degmada Jalalaqsi sidoo kale waxaa uu Wabigu ku fatahay qeybo ka mid ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne oo todobaadyadii aynu soo dhaaf-nay dhibaato weyn ay ku hayeen biyaha ayeey dadku bilaabeen in ay dib u soo guryo noqdeen kaddib markii uu Wabigu dib u celiyay, hasse ahaatee biyihii ka baxay magaalada ayaa hadda bilaabay in ay ku ku fatahaan qeybo kale oo isla gobolka ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]