4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Go'aamo Amaanka la xiriira oo looga dhawaaqay Laascaanood

 

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) – Waxaa magaalada Laascaanood laga soo saaray go'aano cusub oo xadadaya qaab nololeedkii hore ee Bulshda, una muuqatay in ay amaanka wax ka tari karto.

Go'aanmadan oo ay soo saareen gudiga golayaasha xukuumada oo uu horkacayo gudoomiyaha Baarlamaanka Baashe Maxamed oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qodobada la soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa, in aan wax hub ah lala mari karin magaalada laascaanood marka laga reebo ciidanka Booliska. in aan la qaban karin wax shir ah iyadoo aan loo qaadan wax fasax ah iyo warsaxaafadeed, waxaa la mamnuucay gawaadhida aan wadan taargada Somaliland, iyo qodobo kale oo ay doorbideen in ay wax ka tarayso Amaanka gobolka iyadoo xiisad colaadeed oo ka taagan Tukaraq ay saamayn ku yeelatay.

Go'aamadan ayaa waxay soo bexeen ka dib markii maalmihii la soo dhaafay si xoog ah u bateen odayaal si cad u taageera colaada Puntland kana soo horjeesta Somaliland, waxaana maaliba maalinta ka danbaysa sii kordhaya xiisada colaadeed ee u dhexaysa labada dhinac.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood