Wiil Arday ah oo sheegay in sideed qoyskoodda ka mid ah goob ku wada geeriyoodeen

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) – Ibraahim
Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka barta tuuladda Gargaara ee gobolka
Awdal ayaa masiibo naxdin leh ku habsatay ka dib markii duufaantii Roobka
wadatay ka dishay sideed qof oo qoyskooddda ah.
Ibraahim Muuse Cabdi waa arday ay masiibaddii ka
dhacay Awdal uu kaligii ka badbaaday, waxaa Daadadkii rogmanayey
gurigoodii ugu soo galeen qoyskoodii oo ka kooban sideed qof, lix uu la dhashay
iyo labadii waalid, waxaanu yimid gurigii oo banaan noqday oo daadku dhinac
walba ka joogo.
“markii aan iskuulkii ka imid waxaan imid gurigii
oo banaan noqday oo uu daadkii qaatay reerkii oo dhan, waxaana halkaasi ku
geeriyooday sideed qof, lix aanu walaalo ahayn iyo aabo iyo hooyo”ayuu yidhi,
waxa uu sheegay in uu isaga iyo laba qof oo kale oo qof Jabuuti joogto uun ka
badbaadeen.
Goboladda Galbeedka waxa ka dhacday masiibo xun
oo dadkii banaanka joogaan ka dib markii guryihii ka burbureen, isla markaana
aanay haysan Hu iyo Cunto.
Labadii diyaaradeed ee Imaaraadku usoo direen in
loogu gurmado dadka masiibadu ku habsatay ayaa illaa shalay iyo maanta daad
gureynayey Raashinkii iyo biyo la gaadhsiinayey dadka ku godoonsan degmooyinka
qaarkood.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.