Puntland oo sheegtay in dil toogasho ah lagu fulin doono cid kasta oo gacan taageero siisa Somaliland

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Guddiga difaaca dowlad gobolleedka Puntland
ayaa maanta soo saaray amar culus oo intooda badan quseeya dadka
taageerada u fidiyay ama wararka
maamulka u gudbiya sida hadalka u dhigeen Somaliland.
Guddoomiyaha guddigaan ahna,Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed
Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo ay garab taagan yihiin xubnaha kale ee guddiga
ayaa saxaafadda u akhriyay go’aannadan.
Xukunnada la soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in dil-toogasho ah lagu
fulinayo qof kasta oo lagu helo isagoo sir u gudbinaya maamulka Somaliland ,ama
jaajuusnimo ula shaqeeya,sida ku xusan qoraalka.
Sidoo kale Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo dhinacooda Warbaahinta
la hadlay ayaa xoojiyay go’aannadan iyo xukunnada ay xambaarsan yihiin ee lagu
soo rogay ciddii lagu helo in ay Somaliland ka gacan-siisay dagaalka.
Waa markii ugu horeysay oo xukun noocan oo kale ah Puntland ay ku soo rogto
dadka xiriirada kala duwan la yeesha Somaliland, waxaana uu go’aankan imanaya
kaddib dagaal culus oo dhawaan labada maamul ku dhaxmaray deegaanka Tuka-Raq.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]