4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Madaafiic lagu weeraray saldhig ciidamada AMISOM ku lahaayeen dulleedka Muqdisho

 

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in madaafiic dhowr ah lagu tuuray saldhig ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka, iyadoo aan si rasmi loo ogeyn haddii uu khasaare dhaliyay iyo in kale.

Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in dhinacooda ay tureen madaafiic ay kaga jawaabayeen hubka lagu soo riday.

Al-Shabaab ayaa xilliyada qaar saldhigyada ciidan ee AMISOM iyo kuwa ciidamada dowladda ku weerara madaafiic hoobiyeyaal ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku jira foojignaan dheeraad ah inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan oo Al-shabaab ay kordhiyaan weerarrada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]