4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta ku kulmaya xarunta Golaha Shacabka

 

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arabaco ah qorshuhu yahay in ay ku kulan xarunta Golaha Shacabka iyaga oo ka dooddi doona hindise Sharciyeedyo.

Kulanka waxaa shir guddoomin doona guddoomiye ku-xiggeenka koowaad ee Golaha C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana la filayaa in xildhibaannada loo qeybiyo Hindise sharciyeedka hawlgabka iyo xaqsiinta ciidamada.

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maanta hortagaan mudanayaasha, si ay sharxaad uga bixiyaan Hindise sharciyeedkan ah hawlgabka iyo xaqsiinta ciidamada.

Waxaa akhrintii labaad ee Hindise sharciyeedka, waxaana aqrinta Saddexaad uu mari doonaa kulankan kan xiga ee Baarlamaanka ay yaalan doonaan.

Waxaa la xiray jidadka galla xaruta Golaha Shacabka xarunta Golaha Shacabka, oo la dhigay ciidamok Booliis ah oo dadka iyo gadiidka u diidaya in ay jidadka ku dhaw dhaw xarunta isticmaalaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]