3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Wararkii ugu danbeeyay duufaannada iyo roobabka ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya

 

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) – Soomaaliya guud ahaan marka la eego xiligan hadal heynta ugu weyn waa duufaanno wata dabeylo xooggan, roobab iyo waliba fatahaadda Wabiga oo ku dhuftay qeybo badan oo mid dalka Soomaaliya.

Guud ahaan marka la eego dadka ku dhintay roobabka, daadadka ka dhashay fatahaada Wabiga iyo dabeylaha waxaa ay kor u sii dhaafayaan 45 ruux, iyadoo Soomaaliland oo kaliya ay u dhinteen ku dhawaad 31 ruux.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho sidoo kale waxaa ay sababeen dabeylahan iyo roobabka is wata dhimashada kumannaan xoolo ah iyo bur burka dhismayaal iyo beerihii sanadkan la filayay in ay soo go’aan.

Qaramada Midooobay ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasaharaha rasmiga ah ee  ka dhalatay fataahadaha iyo roobabka dabaylaha wata ee Somaliland sababtoo ah duufaannadu waxaa ay burburiyeen waddooyinkii iyo isgaarsiinta deegannadka.

Magaalada Beledweyne oo ah halka ugu daran oo ay ku fataheen daadadka ka dhashay Wabiga Shabeele ayaa hadda u muuqata mid ay biyihiin ka sii dhamaanayaan, inkastoo magaalada laga arki karo raadadka iyo saameynta weyn oo ay ka tageen daadadku, sidoo kalena waxaa jirta cabsi laga qabo cudurro ka dilaaca halkaa kaddib marka ay biyuhu ka baxaan magaalada .

Magaalada Muqdisho sidoo kale daadad ku dhashay roob labo cisho ka hor ka da’ay waxaa ku dhintay 6 ruux, halka sidoo kale uu sababay khasaare hantiyeed oo gaaraya $35 milyan oo dollar sida uu ka dhawaajiyay Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Waxaa soconaya gurmad heer caalami ah oo la doonayo in lagu kaalmeeyo dadka ay wax –yeeladu ka soo gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobka, duufaannada iyo dabeylaha wada socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/23/2018 3:32 PM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku toogteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Macalin Daahir.

5/23/2018 2:57 PM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) – Hay’adda Hormuud Foundation oo ah Qeybta Sama Falka iyo Gargaarka uqaabilsan Shirkadda Hormuud Telecom ayaa 500 oo Qof oo Naafo ah oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Deegaannada ku hareereysan u qeybisay lacag Cash ah, iyadoo qof kasta la guddoonsiiyey lacag dhan $100 Dollar.

5/23/2018 1:11 PM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan degmada uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, taasoo keentay in dadku isaga gudbaan Doomo macmal ah oo ay sameysteen.

5/23/2018 12:12 PM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Waxaa magaalada Laascaanood laga soo saaray go'aano cusub oo xadadaya qaab nololeedkii hore ee Bulshda, una muuqatay in ay amaanka wax ka tari karto.

5/23/2018 8:37 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Ibraahim Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka barta tuuladda Gargaara ee gobolka Awdal ayaa masiibo naxdin leh ku habsatay ka dib markii duufaantii Roobka wadatay ka dishay sideed qof oo qoyskooddda ah.

5/23/2018 8:32 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Guddiga difaaca dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta soo saaray amar culus oo intooda badan quseeya dadka taageerada u fidiyay ama wararka maamulka u gudbiya sida hadalka u dhigeen Somaliland.

5/23/2018 7:46 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iska horimaad ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo afar ruux oo sida la sheegay bastoolado ku hubeysnaa.

5/23/2018 4:51 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka magaalada Muqdisho.

5/23/2018 1:58 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)-Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arabaco ah qorshuhu yahay in ay ku kulan xarunta Golaha Shacabka iyaga oo ka dooddi doona hindise Sharciyeedyo.

5/23/2018 1:47 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)–Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay jirto ifa faalo wayn oo muujinaya in uusan qabsoomi doonin kulanka lagu wado in uu dhexmaro isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

5/23/2018 1:22 AM EST
Arbaco, May, 23, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.