Guddiga gurmadka Fatahaada oo sheegay in lacag $ 1 milyan gaarsiinayaan deegaannada ay daadadku saameeyeen

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) - Gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha
ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed
Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay
baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa
shir gudoominayay Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mahad
Maxamed Guuleed (Khadar) iyo gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka,
Cabdiweli heekh Ibraahim Muudeey ayuu sheegay Mudane Khadar in falanqeyn dheer
kadib leesta gartay in deeqaha la haayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka
jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.
“Lacag hal milyan oo doolar ah ayaan u qeybinnay geynna
doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geesteen.
Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha
gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo
bixiyay”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Gargaarka lacageed iyo gargaar kale oo isugu jira
Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la gaarsiinayaa deegaannada dhibaatadu ka
jirto ugu danbeyn maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo badbaadiyo
qoysaska daadadku dhibaateeyeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]