4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Madaxweyne Somaliland oo kormeeray goobaha ay saameeyeen roobabkii ka da'ay Hargeeysa [Sawirro]
Arbaca, May, 02 ,2018  (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer ku tagay xaaladda dad ka danyarta ah ee ku hareeraysan Balliyada Daammi iyo Jig-jiga yar oo ay biyo badani fadhiyaan, kaasi halis ku ah dadka la jaarka ah.

Madaxweynaha oo ay booqashadiisa uu ugu kuur-gelayey xaaladda dadka danyarta ah ee balliyada caasimadda ku hareeraysan  ay ku wehelinayeen xubno ka socda maamulka sare ee dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa oo uu hoggaaminayo maayarka Caasimadda,

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa indhihiisa ku arkay halista ay biyaha Balliyadaas Daammi iyo  Jig-jiga yar fadhiyaa ku keeni karaan nolosha dadka iyo hantida deriska la ah iyo guud ahaan midda dadka caasimadda ku nool, waxaana uu madaxda dawladda Hoose oo iyagu hawshan masuuliyaddeeda u xilsaaran faray inay sida ugu dhakhsaha badan biyaha fadhiya u dhaqaajiyaan, una jabiyaan moosaska biyo-celiska ah, isla markaana goobahaas laga raro dhammaan dadka deggen, si noloshooda iyo maalkoodaba looga badbaadiyo halis ay biyahaasi ku keenaan.

Maayarka caasimadda Hargeysa, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo dhaamankaasi ku dhex yaala Hargeysa ka warbixinayey waxa uu yidhi,“Madaxweyne maanta waxaanu muddo ku siinnay dadka deggen agagaarka Balliga Daammi inay diyaar garoobaan oo aanu meesha ka rarno oo balliga dushiisa la banaynayo, kaddibna balligan oo  magaalada mushkilad ku haya  iyo labada kale ee Xero-digaagta iyo Qudhax-dheerba aanu biyaha ka jabinno oo aanu biyahaas u samaynno Iliilado ay maraan si ay dooxa ugu dhacaan.”

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kaddib u kuur-galkiisa waxa awaamiir faray madaxda dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa, waxaana uu ku adkeeyey inay sida ugu dhakhsaha badan biyaha fadhiya loosii daayo, islamarkaana loo raro dadka agagaarka balliyada deggen, si loo badbaadiyo nafahooda iyo maalkoodaba, waxana uu yidhi,  “Waxan idin farayaa cirkii wuu cusub yahay, balliguna wuu buuxaaye in aanay biyahaasi magaalada ku jabin oo la furo biyaha fadhiya, dadka deggenna sidii meel loo geyn lahaa oo khatarta looga badbaadin lahaa aad qabataan, 24-ka saacadood ee aynu joogno daruurtaa taagan, Biyahaas buuxa iyo magaalada waa inaad kala furtaan, ciidankaad doontaanna dirsada”

Socdaalka madaxweynaha, ayaa ujeeddadiisu ahayd, sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa xaaladda dadka danyarta ah ee ku  hareeraysan Balliyada biyuhu fadhiistaan ee gudaha caasimadda Hargeysa,  isla markaana uu waqtigan  xilli-roobaadka ah xidhiidh toos ah ula yeelan dadka banyaalka u ah dhibaatooyinka roobku sababi karo.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay aabihii dhalay caruurtii habeen hore daadadku ka qaadeen magaalada Hargeysa, waxaana Maayarka Hargeysa ku wareejiyey dhul uu dego, lacag iyo Raashin.

Sidoo kale, dhamaan dhaamanka magaaladda Hargeysa ku yaala dadka degan waxa lagu amray in laga raro
 
Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.