3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Wasiirro iyo ganacsato Soomaaliyeed oo Turkiga uga qeybgalaya shir looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-
Wafdigan ka socda wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo rugaha ganacsi ee dalka ayaa dalka Turkiga uga qeybgali doona shir dalkaasi ku dhex mari doona ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Turkiga, kaa oo diiradda lagu saari doono sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada ganacsiga iyo sidii ay ganacsatada dalkaasi Turkiga ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen Soomaaliya.

Mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa horkacaya wafdiga, waxaana wasiirku uu shirka ka jeedin doonaa khubad uu uga hadli doono fursadaha dhanka ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo sidii ay ganacsatada dalkaasi Turkiga u maalgashan lahaayeen.

Masuuliyiin ka tirsan rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland oo la hadlay HOL ayaa sheegay in shirka Turkiga ay u aadeen uu ka horeeyay shirar ay maalmihii u danbeeyay lahaayeen wasiirada wasaaradaha ganacsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaa oo diiradda lagu saarayay sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo wax soo saarka dalka.

Soomaaliya ayaa xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee dalka lahaan jirtay wax soo saar dhinacyada beeraha iyo Kalluumeysiga oo loo iibgeyn jiray dalka dibaddiisa, waxaana ka mid ah waxyaalaha ay Soomaaliya dibadda u iibgeyn jirtay Mooska, Xoolaha Nool, Kalluunka iyo dalagyo kale oo kasoo go’i beeraha.

Wasaaradda ganacsiga Soomaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa dadaal ugu jira sidii loo maalgashan lahaa dalka si dib loogu soo celiyo dalagyadii ay Soomaaliya u dhoofin jirtay dalka dibaddiisa, ayadoo wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ay hore u shaacisay in ay dhiirigelin doonto kana fududeyn doonto dhinacyada canshuuraha ganacsatada dalka ka hirgelisa warshadihii soo saari jiray kheyraadka dalka iyo kuwa kale ee wax kasoo saarta dhulka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliy.













Click here
5/2/2018 3:24 PM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shaqadii ka eryay shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

5/2/2018 2:13 PM EST
Arbaca, May, 02 ,2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer ku tagay xaaladda dad ka danyarta ah ee ku hareeraysan Balliyada Daammi iyo Jig-jiga yar oo ay biyo badani fadhiyaan, kaasi halis ku ah dadka la jaarka ah.

5/2/2018 9:38 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay Dalka Koonfur Afrika ka dib markii sida la sheegay ay Koox burcada ah weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala deegaanka Zonkizizwe oo qiyaastii 35 km ka xigta dhinaca Koonfur magaalada Johannesburg.

5/2/2018 8:06 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Kooxo hubeeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa magaalada Muqdisho ku dilay gabar u shaqeyn jirtay Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka .........

5/2/2018 4:39 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlada Federalka Soomaaliya, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

5/2/2018 4:29 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay Umadda Soomaaliyeed u fududeeyso arrimo badan sida dal ku galka Dalkaasi iyo degenaanshaha, Hadalka ayaa lagu shaaciyay war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

5/2/2018 4:15 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ku raad-joogaan islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan Waqti dhaw ilaa 3 Ruux oo la sheegay in ay qoraan dhalinyaradda, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku sugan yihiin Gobolka Xeebta ah ee Kenya waxayna intaasi ku dareen in ay ka raadinaya Deegaanada Kilifi iyo Lamu.

5/2/2018 4:04 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya yaa shaacisay in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka, kuwaa oo ay ku baaba’een dhul beereedyo islamarkaana sababay barakac.

5/2/2018 3:04 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Shirkan oo ay ka qeybgali doonaan dalalka midowga Yurub iyo kuwa daneeya arimaha Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladaha dhinacyada ammaanka iyo dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya.

5/2/2018 2:49 AM EST
Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-War ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, ayaa loogu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlmaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.