4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2018
Ciidamada Kenya ayaa baadigoobaya rag la sheegay in ay qoraan dhalinyarta dooneeysa in ay Shabaab ku biiraan

Arbaco, May, 02, 2018 (HOL)-Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ku raad-joogaan islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan Waqti dhaw ilaa  3 Ruux oo la sheegay in ay qoraan dhalinyaradda, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku sugan yihiin Gobolka Xeebta ah ee Kenya waxayna intaasi ku dareen in ay ka raadinaya Deegaanada Kilifi iyo  Lamu.

Magu Mutindika Guddoomiyaha Gobolka Kilifi, ayaa sheegay in labo ka mid ah Dadka Al-shabaab u qora dhallinyarada ay  degganyihiin Kilifi iyo Lamu halka mid saddexaadna faah faahintiisa lagu daba jiro.

Baadi goob xoogan ayaa hada socda waxayna arrintani ka dambeysay ka dib Markii ay dhawaan  13 dhallinyaro ah ay ciidanka Difaaca Kenya si  xoog ah uga soo furteen Al-shabaab kuwaas oo ay sheegeen in ay ku tababarayeen degaano hoos yimaado Raaskambooni ee Gobolka Jubada hoose.

Al-Shabaab ayaa sanadihii ugu dambeeyay la sheegay in ay ku biirayeen dhalinyaro badan oo u dhashay Kenya, kuwaasi oo la sheegay in markii hore ay soo qoreen Rag  ka tirsan Shabaab oo ku sugan Gudaha Kenya.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Muqdisho-Soomaaliya.