4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagay meel ka baxsan qaarada Africa

 

Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay meel ka baxsan qaarada Africa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda arrimaba dibada Itoobiya ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu martiqaad rasmi ah uu ka helay boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz.

Inta uu ku guda jiro Booqashadiisa Sacuudi Carabiya waxay kulan labo geesood ah oo looga hadlayo xiriirka labada dal ay wada yeelan doonaan Boqorka Sacuudiga

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Itoobiya ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa mid aad u xoogganaa.

Abiy Axmed ayaa tan iyo markii xafiiska loo dhaariyay 2-dii bishii April waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalalka Jabuuti, Sudan, iyo Kenya oo ah dalal deris la ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]