4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Haweenay markii u horraysay hoggaanka u qabatay CIA

 

Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Senate-ka Maraykanka ayaa markii u horraysay haweenay u idmaday in ay hogaamiso hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, inkastoo ay door ku soo yeelatay barnaamij ay hay'addani fulisay 9/11 oo dadka lagu baarijiray.

Ansixinta Gina Haspel ayaa timid iyadoo kala qaybsanaan xisbi ay ka jirtay aqalka arrintaas oo la xiriirtay biyo maxaabiista lagu hafin jiray wakhtigii Bush.

Haspel oo horay uga soo shaqaysay CIA-da ayaa mar mas’uul ka ahayd xarun la dhihi jiray goobta madaw oo ku taallay Thailand taas oo la aasaasay wixii ka dambeeyay weerarkii 11 Sabtembar ee 2001dii.

Mike Pompeo oo hogaaminayay hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa xilka banneeyay si uu u noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

John McCain oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo la jirdilay in kabadan shan sano oo uu ku jiray xabsi Vietnam ku yaalla ayaa horay u sheegay sida uu uga soo horjeedo haweenayda uu madaxweyne Donald Trump magacaabay.

Khamiistii ayay lix xildhibaan ka tallaabeen xadkii xisbigooda Dimuqraadiga waxayna u codeeyeen haweenaydan.

Xubnahaas waxaa ka mid ah Mark Warner oo laga soo doorto Virginia wuxuuna sheegay in Haspel ay u sheegtay in aysan ahayn in hay'addu ay adeegsato xeeladihii ciqaabta ahaa ee ay u adeegsatay dadkii ay baaritaanka ku haysay.

Wuxuu intaas ku daray in ay u sheegtay in aysan marnaba adeegsan doonin arrintaas oo kale xitaa haddii uu madaxweynuhu ka dalbado.

"Waxaan rumaysanahay in ay tahay shaqsi ku dhiiran karta in ay madaxweynaha hor istaagto oo ay runta u sheegto haddii uu madaxweyne uu ku amro in ay samayso wax sharci darro ah ama aan wanaagsanayn". ayuu yiri Mark

Haspel oo 61 jir ah ayaa hay'addan ka soo shaqaysay 33 sano, inta badan nolosheedana si qarsoodi ah ayay u soo shaqaynaysay.

BBC