Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Shirka
Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir
gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga
Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka
denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno
siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.
“Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga
Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka
denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha
Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ka war
bixiyay Shirka golaha Wasiira.
Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga
dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada
iyo ciyaaraha.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan
Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel
wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka
Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha
la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda,
in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo
isticmaalo Biometric system.
Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan
Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka
shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah.
Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow
Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay,
waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha
waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale
“qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda”
Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga
dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo
Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]