Soomaaliya 27, 600 oo Ardey ah oo la filayo in ay u fariistaan Imtixaanka Shahaadiga
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka Waxbarashada
Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan
Daahir Cismaan ayaa ka warbixiyay tirada ardayda u fariisaneysa Imtixaanka
Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, isagoo xusay in Wasaaradda Waxbarashada ay
diyaaar garoow xoogan ku jirto.
“Wasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha Tacliinta sare
waxay ku jirtaa diyaargaroow aad u weyn oo lagu doonayo ka mira dhalinta howlaha
Imtixaan, Sida aan hore u shaacinay bishan May ee aan ku jirno 19-keeda waxaa
dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/18
ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadiga”.ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegay in 27,600
oo arday ay sanad dugsiyeedkan u fariisaneyso Imtixaanka, iyadoona lagu kala
gali doono in ka badan 120 Xarumood oo ka tirsan Gobalka Benaadir iyo Afar
Maamul Gobaleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbland.
Sidoo kale wuxuu sheegay in 1400 oo arday
oo la qorsheynayay inay Imtixaanka Qaran ku galaan Beledweyne uu dib ugu dhacay
Fatahaada Wabiga Shabeelle awgiis, isagoo shaaciyay inay dib ka gali doonaan.
“Waxaa iyana xusid mudan in Fatahaada Wabiga
Shabeelle dartiis uu dib u dhacay 1400 oo arday oo sanadkaan Imtixaanka dugsiga
sare ku gali laheyd Magaalada Beledweyne, waxaan ardaydaa u balanqaadeynaa
inuusan dib u dhacaasi saameyn ku yeelan doonin natiijadooda iyo deeqihii
waxbarasho ee ay heli lahaayeen hadii ay xaalada caadi kusoo laabatana ay
Imtixaankooda gali doonaan”.ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare
ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta meel kasta ay joogaan inay
ka qeybqaataan hab sami u socodka iyo fududeynta hawshan Qaran, wuxuuna ugu
baaqay Ardayda Imtixaanka galeysa inay la shaqeeyaan oo ay u dhaga nuglaadaan
ilaalada iyo kormeerayaasha Imtixaanka iyo sidoo kale ay garabsiiyaan ciidamada
qalabka sida ee ku howlan ilaalinta Amniga iyo sugida Goobaha lagu galayo
Imtixaanka.
Sanadkan waa sanadkii ugu horeeyay ee Imtixaan
Qaran lagu diyaariyo Dalka gudahiisa muddo 27-sano ka dib waana guul usoo
hoyatay umadda Soomaaliyeed, Lacagta ku baxeysa Imtixaanka waa markii ugu
horeysay oo 27-sano ka dib laga bixiyay Bajadka Dowlada sida uu sheegay
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]