Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay kormeer Amniga la xiriira ku sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha
xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga,taliyaha
ciidamada Booliiska iyo kan Asluubta Soomaaliyeed ayaa xalay kormeeray qeybo ka
mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada dulleedka ka xiga.
Ra’iisal wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay
qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee xarumihii uu booqday, kuwaa oo
soo bandhigay baco lagu soo xiray Beyruud la sheegay in laga farsameeyay
qaraxyadii xalay laga maqlayay qeybo ka mid ah Muqdisho.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow
Ducaalle oo kormeerka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ra’iisal
wasaaruhu kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah magaalada, isaga oo shacabka
ugu laab-qaboojiyay in Amnigu wanaagsan yahay.
“Kormeer shaqo oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha
ayaan caawa sameynay, waxaan ka bilownay Saldhiga Karaan ilaa Galgalato, marka
waxaan shacabka u sheegayaa inay ku kalsoonaadaan dowladooda iyo ciidankooda,
dadka falalka amni daro sameynayo looma dulqaadanayo, talaabo sharci ah ayaa
laga qaadi doonaa, hadii uu alle idmo.”
Kormeerka ra’iisal wasaaraha ayaa u muuqda mid
lagu dhiiri-galinayo ciidamada howlgalka ku jira iyo shacabka Soomaaliyeed oo
qaba baqdin ah weerarro ay geysan karaan Al-shabaab inta lagu guda-jiro bisha
Ramadaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]