Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) –Wasaaradda Boostada,
Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa billowday dhismaha Xarunta Is-weydaarsiga
Internet-ka (Internet Exchange Point) ee magaalada Muqdisho (MogIX), taas oo
fududeyn doonta in shirkadaha bixiya adeegyada internetka ay isku xirmaan, isla
markaana isku weydaarsadaan xogtooda.
Nishal Goburdhan oo ah khabiir ku takhasusay
dhismaha IXPs oo ka socda Hay’adda Packet Clearing House (PCH) oo dalal badan
ka caawisa dhismaha xarumahan oo kale, ayaa sheegay in xaruntan ay sare u qaadi
doonto adeegyada kala duwan ee u baahan internet, faa’iidooyinkeedana ay wada
dareemi doonaan shirkadaha iyo dadweynahaba.
Wakiillo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta,
internetka, dalladaha jaamacadaha, xirfadleyda teknoolojiyada, iyo dawladda,
ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabaan inay ku soo biiraan MogIX. Muddada uu
socdo aqoon-is-weydaarsigan waxay wakiilladu ka doodi doonaan qaabka ugu
wanaagsan ee xaruntan loo maamuli karo, iyagoo ugu dambeynta sameyn doona guddi
ku-meel-gaar ah oo maamula xaruntan.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur
Xasan, oo furay aqoon-is-weydaarsigan, ayaa in dhismaha MogIX uu ka mid ah
yahay qorshayaasha ay Wasaaraddu ku dhiseyso kaabayaasha isgaarsiinta dalka,
isla markaana uu wax weyn ku soo kordhin doono isgaarsiinta iyo teknoolojiyada
dalka. Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Bankiga Adduunka iyo Hay’adda PCH
gacanta ay Wasaaradda ku siinayaan dhismaha xaruntan.
“Wasaaraddu way awoodday in qalabkan lagu rakibo dhismaha
Wasaaradda oo maamulkeeda aan 100% hayno, shirkadahana aan u sheegno inay ku
soo xirmaan. Laakiin waxaan dooneynaa inay noqoto adeeg la wada leeyahay oo
yaalla meel dhexdhexaad ah oo la wada horumariyo. Wada-tashi iyo kalsooni ayaan
ku xaqiijinay waxyaabihii noo qabsoomay 12kii bilood ee la soo dhaafay, jidkaas
ayaana ku sii soconeynaa,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in wasaaraddu
soo dhoweyn doonto talooyinka ka soo bixi doona aqoon-is-weydaarsigan.
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada
ayaa ku guuleysatay ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda
Isgaarsiinta Qaranka iyo la-soo-wareegidda astaanta qaranka (dotSO). Dhismaha
xaruntana wuxuu hordhac u yahay dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo u
furan shirkadaha oo dhan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]